Labo Xildhibaan Oo Ku Dhintay Qarax Miino
Sheeko:Dalka
Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in labo xildhibaan oo ka kala tirsan maamullada Koonfur galbeed iyo Hirshabeelle ay ku dhinteen qarax miino oo dhacay agagaarka Balli-doogle.
Xildhibaanka Koonfur galbeed waxaa lagu magacaabaa Cabdirisaq Cabdiqadir Maxamed Baraf, waxaa kale uu hayey jagada wasiiru dowlaha amniga.
Xildhibaan-ka Hirshabeelle waa Axmed Cabdi Faarax
Wararkan wixii ku soo kordha, kala soco, Goobjoog News