U bood dhigaalka

Itoobiya Oo Bilaabeysa Koronto Ka Dhallinta Biyo Xireenka “Nahda”

Maarso 19, 2018
Saraakiil Itoobiyaan ah ayaa axaddii sheegtay in Adis Ababa ay bilaabeyso tijaabada sidii koronto looga dhallin lahaa Biyo Xireenka “Nahda”.
Biyo-xireenkan “Al-nahda” oo laga dhisay webiga “Blue Nile” waa dhul 40 KM ah oo dhaxeeya Suudaan Iyo Itoobiya, waxaa lagu bilaabi-doonaa in uu dhalliyo illaa 6.450 megawatts oo koronto sida ugu dhaqsaha badan.
Hailu Abraham, oo ka tirsan mas’uuliyiinta mashruuca oo la hadlay wakaaladda Xinhua ayaa  sheegay 3 tubbo oo midkiiba tahay 375 MW ay dhowaan bilaabi-doonaan koronto dhallin.

Abraham, waxaa uu intaasi ku daray in Itoobiya ay tabaruc kale u raadineyso munaasabadda 7 sano kadib markii la bilaabay dhismaha “A-nahda” si loo dhammeystiro mashruucan oo illaa hadda la dhisay 64%.

Korontada laga dhalliyo biyo-xireenka waxaa la sheegayaa in marka hore 50% laga iibin-doonno dalalka dariska la ah Itoobiya, iyada oo mar dambe la gaarsiin-doonno dalal badan oo galbeedka, waqooyiga qaaradda ah illaa Tanzania dhanka koonfureed.

Itoobiya ayaa bilowday dhismaha Biyo xireenkan 2011-kii, waxaa uu noqon-doonnaa biyo-xireenka ugu weyn qaaradda Afrika, awooddiisa waa 74 billion cubic meters, lacagta ku baxeysa dhismihiisa waa 4.7 billion dollars.

Goobjoog News