Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa saakay waxay ku waabariisteen dhagxaan laga qaaday jidcadayaasha degmooyinka magaalada qaarkood.
Waxay dadku aad usoo dhoweeyeen in dowladda federaalka ay dib u furto jidcadayaashan la xiray wixii ka dambeeyay February 8, 2017, iyadoo dadkuna ay dhibaato ku qabeen.
C/xamiid Aadan waxa uu ka mid yahay maamulka iskuul uu aad u saameeyay dhagxaanta ku xiranaa waddooyinka, wuxuuna sheegay iney ka mahadcelinayaan cid walbo oo tallaabadan qaadday.
“Annaga dhibaato aad u xooggan ayaan ku qabnay, waayo iskuulka jidkii loo soo geli lahaa waaye, hadda aad baan ugu faraxsannahay arrintan” ayuu yiri C/xamiid.
Dhanka kale, Yaxye Maxamed Jaamac waxa uu ka mid yahay ganacsatada Soomaaliyeed ee saameynta ku yeelatay waddooyinka xiran, waxaana uu sheegay in hadda shaqadiisa si wanaagsan u socoto.
Sidoo kale, arrintan furitaanka jidcadayaasha Muqdisho ayaa waxaa aad usoo dhoweeyay darawallada wada Mooto Bajaajta, waxaana ay sheegeen in ay tahay guul weyn, iyaguna shaqadooda dhiirogelin u tahay.
Wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in furitaanka waddooyinkan ay timid kadib markii ay soo noqt noqotay cabashada dadweynaha.
Goobjoog News