U bood dhigaalka

Tunisia Oo Marti-gelindoonta Shirmadaxeedka Ururka Jaamacadda Carabta, 2019-ka

Sheeko:Dalka

Hoggaamiyeyaasha Carabta ayaa isku raacay in shirmadaxeedka ururka Jaamacadda Carabta wareeggiisa 30-aad lagu qabto Maarso, 2019 dalka Tunisia, ka dib markii ay ka cudur daaratay Baxreyn.

Madaxweynaha Tunisia Beji Caid Essebsi ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay in uu marti geliyo shirmadaxeedka ururka Jaamacadda Carabta kasi oo la qaban doono wareeggiisa 30-aad bisha Maarso ee sanadki 2019-ka.

Ballanka waxaa uu ahaa in sanadka soo socda Baxreyn ay marti-geliso shirmadaxeedka balse waa ay ka cudur daaratay.

Heshiiska u yaallo ururka Jaamacadda Carabta ayaa ah in marba lagu qabto shirmadaxeedka ururka waddan walba oo xubin ka ah ururka Jaamacadda Carabta.

Goobjoog News