U bood dhigaalka

Dhageyso: Qoysas Badan Oo Ku Go’doonsan Deegaan Ku Dhow B/weyne

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Lafoole ee hoostaga magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in qoysas badan ay ku go’doonsan yihiin deegaankaasi, kadib markii uu kusoo fatahay Wabiga Shabelle.

Guddoomiyaha deegaankan Cumar Ibraahim Faarax ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in qaar ka mid ah dadkaan ay ku go’ddonsan yihiin deegaanka, kuwo kalena ay kasoo badbaadeen.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in dadka go’doonsan ay gaarayaan Kun qoys, maadaama biyaha aan la fileyn, sidaasina ay ku go’doomeen.

“Qoysaska go’doonsan waxaa la dhihi karaa waxay ka badan yihiin Kun qoys, dadkan waxay u baahan yihiin dooman lagu soo daabulo, sababtoo ah xaaladda meel halis ah ayeey mareysaa’ ayuu yiri guddoomiyaha.

Deegaanka Lafoole ayaa hoosta magaalada B/weyne, wuxuuna qiyas ahaan 13-KM kaga beehan yahay dhanka waqooyi ee magaaladaasi.

Wabiga Shabelle ayaa ku fatahay deegaanno badan oo ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, waxayna dadka u baahan yihiin gurmad degdeg ah.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News