U bood dhigaalka

Paris Oo Martigalineyso Shirka Caalamiga Ah Ee Ladagaalanka Maalgelinta Argigixisada

Abriil 25, 2018

Magaalada Paris ee caasimadda dalka Faransiiska waxaa ka furmay shirka caalamiga ah ee la dagaalanka maal-gelinta argigixisada, waxaa uuna soconayaa laba maalmood.

Shirkan caalamiga ah oo looga hadlayo sidii loo joojin lahaa maal-gelinta argigixisada iyo xagjirnimada waxaa ka qeyb-galaya in ka badan 70 dal iyo hay’ado caalami ah .

Ajandaha shirka ayaa waxaa uu yahay la dagaalanka argigixisada iyo sidii loo wiiqi lahaa kooxaha argigixisada ah.

Goobjoog News