Qaar Ka Mid Ah Hubkii Xerada Gen Gordan Oo Lagu Iibinayo Suuqyada Muqdisho

Dadka ka ganacsada hubka ayaa sheegay in 600 oo qori lagana dhacay todobaadkii la soo dhaafay xeradii hore tobabarka ee Imaaraadka Carabta lagu iibinayo Suuqyada magaalada Muqdisho.
Saddex qof oo ka mid ah dadka ka ganacsada hubka ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in hubka ay ka gadeen ciidmadii uu tobabaray Imaaraadka Carabta,kuwaasi oo ay ka midyihiin qoryaha cusub ee lagu weerarka tago nuucoodana uu yahay AK47.
Imaaraadka Carabta ayaa tobabaray boqolaal askari oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya taasi oo qeyb ka aheyd heshiis iskaashi oo dhanka Millatariga ah oo ay wada saxiixdeen labada dal sanadkii 2014-kii.
Goobjoog News