Mashruuca Taakuleynta Isgaarsiinta Online-ka Oo Laga Hirgalinayo Aqalka Sare
Sheeko:Dalka
QoreJaamac Shidane

Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa xarunta aqalka sare ee Baarlamaanka soomaaliya ka hergalisay mashuuruuca taakuleynta Isgaarsiinta online-ka, kaasi oo looga qeb-gali doono shirarka caalamiga ah ee ka dhacaya dibadda.
Mashruucan oo ay maalgelintiisa wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta kala kaashatay Bankiga aduunka ayaa ah mid muhiimadiisu tahay in nidaam isgaarsiineed uu yeesho dalka.
Ilaa 37 xafiis ayey sheegtay wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta soomaaliya in qalabkani lagu rakibay sidoo kalena ay gaarsiindoonaan Maamul Goboleedyada dalka.
Goobjoog News