U bood dhigaalka

Xildhibaan Aadan Madoobe Oo Ka Tanaasulay Doorashada iyo 10 Musharrax Oo Tartamaya

Abriil 30, 2018

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa ka tanaasulay doorashada guddoomiyaha golaha shacabka oo haatan ka soconeysa xarunta golahan.

Waxa uu sheegay inuu raaligelinayo xildhibaannadii diyaarka u ahaa in isaga ay codka siiyaan.

261 mudane ayaa dooranaya guddoomiyaha golaha shacabka, iyadoo wareegga Koowaad uu guuleysan karo musharraxii hela 51% sida ay sheegeen guddiga doorashada.

Hadda Musharraxiinta isku soo haray waa 10 mudane, iyadoo xildhibaannada ay codeynayaan.