U bood dhigaalka

Dhageyso: Xildhibaan Shariif Cabdalla Oo Sheegay In Si Caddaalad Ah Ay Ku Dhacday Doorashadii Golaha Shacabka

Maajo 1, 2018

Xildhibaan Shariif Cabdalla oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kana mid ahaa musharraxiintii shalay u tartmay guddoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in doorashadaasi ay si caddaalad ah ku dhacday.

Xildhibaanka oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in sababihii uu u tanaasulay ay ahayd kadib markii isaga codadkii uu helay ay aad u yaraayeen.

Waxa uu xildhibaanka ku ammaanay guddiga qabanqaabada doorashada golaha shacabka sida ay waajibkooda u guteen, doorashadana kusoo dhammaatay si caddaalad ah.

Ugu dambeyn, xildhibaan Shariif ayaa u rajeeyey guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka in shaqada loo doortay u fududaato, waxqabadna la yimaado.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga:

Goobjoog News