D/Goboleedyada Oo 5 Xubin U Saaray Sidii Dowladda Federaalka Ah Loogala Hadli Lahaa Qeybsiga Awoodda Iyo Kheyraadka
Iyada oo laga ambaqaadayo heshiiskii November 5, 2017 ee dhex maray dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ee la xiriiray hirgelinta qodobada 44aad iyo 54aad ee dastuurka KMG ah oo ku saabsanaa in dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ka wada hadlaan doorashada 2020-ka, awood iyo kheyraad qeysiga ayey dowlad goboleedyada soo magacaabeen ilaa 5 xubin.
Xubnahan waxaa ay mas’uul ka noqon-doonaan sidii dowladda federaalka ah ugala hadli lahaayeen arrimahan iyo kuwa kale ee soo kordha iyo inay horay u dhaqaajiyaan dhameystiran howlaha dastuurka.
Xubnaha Maamul Goboleedyada Iska Soo Saareen Ayaa Kala Ah:
Cabdi Cali Raage, Hoggaamiyaha kooxda
Cabdiraxmaan Warsame Cabdi, Xubin
Cali Ibrahim Cali, Xubin
Cabdikadir Aden Maxamud, Xubin
Cabdul Maxamed Farax Makaran, Xubin
Goobjoog News