Haweeneydii Ugu Horeysay Oo Madax Ka Noqota CIA, Waa Tuma?

Aqalka Senate -ka Mareykanka ayaa khamiistii ogolaaday in haweeneyda Gina Haspel noqoto agaasimaha CIA kadib markii la qanciyay xisbiga Dimoqoraadiga, oo wax jirtay cabsi la xiriirtay kaalin xun oo ay ku laheyd su’aalo weydiinta dadkii lagu tuhmay weerarradii 9/11.
Codbixinta dhacday Haspel waxaa la sheegayaa in ay ogolaadeen 54 halka ay diideen 45, Lix Dimoqoraadi ah ayaa ku jiray Senatorada ogolaaday halka 2 Jamhuuri ah ay ku jiraan Senatarada diiday.
Waa Tuma: Gina Haspel
Haspel waxaa ay ku dhalatay Kentucky 1956, aabaheed waxaa uu ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada cirka, waxaa ay ku soo barbaartay saldhigyo Mareykanka ku lahaayeen dibadda, waxaa ayna CIA-da ku biirtay 1985tii.
Haspel waa qof bir ah, waa haweeneydii ugu horreysay ee jagadan qabata, waxaa ay marka ugu horeyay shaqo ka bilowday Azerbaijan iyada oo halkaasi dad soo gacan-gelisay, kadib waxaa ay CIA madax uga noqotay Afrika, inkasta oo laga shaki qabay markii hore balse shaqadaas waa ay ku guuleystay.
Gododkii Madoobaa:
Haspel waxaa lala xiriiriyaa xabsiyo qarsoodi ah oo Mareykanka lu leeyihiin dunida u daafaheeda ah, waxaana la sheegayaa in dad lagu tuhmay argigixiso lagu ciqaabay.
Goobjoog News