U bood dhigaalka

Barnaamijka La Afur Maxbuus Madaxweynahaaga Oo Laga Hirgaliyey Burco

Sheeko:Dalka

Barnaamij lagu magacaabo Maxbuus la afur Madaxweynahaaga ayaa laga hirgaliyey Magaalada Burco,kaasi oo lagu afurinayo Maxaabiista ku jirta xabsiyada.

Daahfurka Barnaamijkaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha wasaaradda Caddaaladda Somaliland, guddoomiyaha gobolka Togdheer iyo madaxda Ciidanka.

Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay taliyaha ciidanka Asluubta Maxamed Cabdullahi waxaa uuna yiri.

“Barnaamijkan waxaa loogu magac daray maxbuus la afur madaxweynahaaga xaaladdaan oo kale hory nooma soomarin”.

Ugu dambeyn mas’uuliyiinta ayaa kormeeray xabsiga weyn ee magaalada Burco kaasi oo ka mid ah xabsiyada ugu weyn Somaliland.

Goobjoog News