Dawladda Sri Lanka ayaa sheegtay in 12 shaqaale oo Qaxooti ahaa una dhashay dalkaas islamarkaana ku sugnaa Magaalada Hargeysa dib loogu celinayo dalkooda.
Arrintan ayaa timid kaddib markii Shaqaalaha u dhashay Sri Lanka iyo Xukuumadda Somaliland uu kala dhexgalay muran dhinaca xeerarka shaqada ah, taasna ay sababtay dib u celintooda.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Sri Lanka ayaa sheegay in Safaaraddooda Addis ababa ay kala shaqayneyso Hay’adda IOM sidii dadkaas dib ugu laaban lahaayeen dalkooda.
IOM-ta ayaa cidda ay la shaqeeyaan kala hadashay sidii kooxdan arrimaha muranka dhaliyay iyo sidii ay nabad ugu noqon lahaayeen.
Dhinaca kale, Goobjoog News ayaa la xiriirtay wasaaradda shaqo-gelinta Somaliland iyada oo sheegtay in aaney arrinkan waxba kala socon.
Goobjoog News, Somaliland.