Somaliland: Dhibaato Ka Dhalatay Roob Ka Da’ay Awbarkhale
Sheeko:Dalka
QoreCabdi Gurbiye

Hal qof ayaa ku dhintay, labaatan gurina way ku dumeen halka laba gaadhina uu qaaday roob ka da’ay deegaanka Awbarkhale oo 25KM dhinaca beri ka xiga Hargeysa.
Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in roob duufaano watay ayaa ka da’ay deegaanka iyo kuwa kale. Sidaas waxaa ku waramay dadka degaanka.
Xeebaha Somaliland waxaa ka jirta dhibaato ay gesyteen dufaanno ku dhuftay xeebaha Soomaaliya, Yemen iyo dalal kale.
Goobjoog News