U bood dhigaalka

Baardheere: Khasaare Ka Dhashay Weerar Ay Xalay Soo Qaadday Al-shabaab

Juun 5, 2018

Dagaal culus oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa saqdii dhexe ee xalay ka dhacay gudaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Dagaalka waxaa uu ahaa weerar ay Al-shabaab ku soo qaadeen ciidamo ka tirsan Jubbaland ee degenaa buundada Baardheere.

Cabsi-gelinta deegaanka marka laga soo tago, inta la ogyahay ilaa 4 ayaa ku geeriyootay dagaalka halka tiro kalana dhaawacmeen,

Wararka waxaa ay sheegayaan inuu yahay dagaalkii ugu cuslaa ee ka dhaca Baardheere muddo sano ah.

Wararkan oo Faah-faahsan, Kala Soco, Goobjoog News