U bood dhigaalka

Dhageyso: Warbixin Ka Hadleyso Jaamacad Yari Ka Jirta Gobollada Dhexe

Sheeko:Dalka

Gobollada dalka gaar ahaan kuwa dhexe waxaa ku yar waxbarashada heerka Jaamacadeed, waxayna ardayda dugsiyada sare ka dhameeya gobollada dhexe ay u soo aadaan Jaamacad magaalada Muqdisho.

Cadaado oo ku taallo gobollada dhexe waxaa haatan ka furan labo Jaamacadood, kuwaasi oo ay dhigtaan ardayda dugsiyada sare ka dhameeya Cadaado iyo deegaannada ku dhowdhow.

Ardeyda qaar ayaa sheegaya in gobollada dhexe aysan ku filneyn labo Jaamacadood oo kaliya, islamarkaasna ay ardeyda u baahanyihiin in Jaamacadaha gobollada la badiyo si looga baaqsado in Muqdisho loo soo aado Jaamacad.

Inta badan ardayda wax ka barta gobollada dalka ayaa waxbarashada Jaamacadda waxay u soo aadaan Muqdisho taasi oo sababtay in culeys ay ku noqoto qaar ka mid ah ardayda.

 

 

 

 

Goobjoog News