Akhriso: Magacyada Iyo Hoggaanka 15-ka Xisbi Siyaasadeed Ee La Diiwaan-geliyey

Illaa hadda, guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka waxaa uu si KMG ah u diiwaan-geliyey 15 xisbi siyaasadeed, kuwaas oo qeyb ka ah nidaamka xisbiyada badan ee dalka.
Haddaba, Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa magacyada 15-ka xisbi siyaasadeed iyo guddoomiyeyaashooda
1. Xisbiga Garsoor, Waxaa guddoomiye u ah Zakariye Maxamud Xaaji oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.
2. Xisbiga Midnimada iyo Qaranka Soomaaliyeed waxaa guddoomiye u ah Salaad Cali Jeelle, oo horay usoo noqday wasiir ku-xigeenka gashaandhigga ee Soomaaliya, Xaruntiisa waa Muqdisho.
3. Xisbiga Qaranka iyo Dimoqoraadiyadda, Waxaa guddoomiye ka ah Fowsiyo Xaaji Aaden, oo horay usoo noqotay ra’isul wasaare ku-xigeen iyo wasiirka arrimaha dibadda, xarunta xisbiga waa Muqdisho.
4. Xisbiga Midnimada iyo Jamhuuriga, Waxaa guddoomiye ka ah Cali Maxamed Tima-jilic, Xarunta Muqdisho.
5. Xisbiga Umadda Soomaaliyeed , waxaa guddoomiye ka ah Cabdirashid Maxamed Cali, Xaruntiisa Garoowe
6. Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed , Waxaa guddoomiye ka ah Yaasin Maxamed Macalin (Yaasin Maaxi), xaruntiisa waa Sweden
7. Xisbiga Horumarinta; Waxaa guddoomiye u ah Suleymaan
8. Wadajir: Waxaa Guddoomiye u ah Kamaal Guutaale. Waa xisbi Mucaarad ah, xaruntiisa waa Muqdisho.
9. Samu– Waxaa guddoomiye u ah Aweys Xaaji Xuseen Honero, waxaa uu matalaa Jareer-weyne,
10. Tiir– Xisbiga waxaa guddoomiye u ah Eng. Saalax Sheekh Cusmaan, horay waxaa uu usoo noqday wasiirka Howlaha Guud iyo Dib-U-Dhiska, xaruntiisa waa Muqdisho.
11. Xisbiga Damiirka Soomaalinimada iyo Horumarka, Waxaa guddoomiye u ah Dr. Maxamed Macalin Xasan.
12. Xibiga Cadaaladda iyo Badbaadada, Waxaa guddoomiye u ah Maxamud Macalin Nuur.
13. Xibiga Shaqsiyadda iyo Wadaniyadda Soomaaliyeed, Waxaa G/k u ah Maxamud Maxamed Muuse.
14. Xisbiga Dadka Soomaaliyeed, Waxaa Hogheyaha guud ka ah: Cabdiqadir Amin Axmed.
15. Xisbiga Xal-qaran,Waxaa Guddoomiye u ah Maxamed Macalin Cali.
Axsaabtan siyaasadeed waxaa loo diiwaan-geliyay si KMG ah, waxaana la filayaa in ay tirada intan ka soo badato bilaha soo socota.
Haddaba, wararka asxaabta dalka iyo geedi-u-socodka doorasha 2020-ka, kala soco Goobjoog News
Goobjoog News