Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Oo Soo Gaaray Muqdisho
Sheeko:Dalka

Goor dhow waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abi Axmed iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo.
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo xubno ka mid ah golahiisa wasiirada ayaa magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyay wafdigan.
Ciidamada qalabka sida ayeey Salaan sharad ka qaateen, waxaana dhanka kale ay ciidanka Baambeyda garaaceen astaamaha qaranka ee Labada dal.
Waxaa la filayaa in Madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisu wasaaraha Itoobiya yeeshaan kulan ay kaga hadli doonaan xiriirka Labada dal.
Ammaanka guud e magaalada Muqdisho ayaa aad loo qadkeeyay, iyadoo magaalada lagu soo daadiyey ciidamo aad u badan.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News