U bood dhigaalka

Muhaajiriin Weli Loo Diidan Yahay Iney Galaan Malta

Sheeko:Dalka

Xeebaha dalka Malta waxaa ku xayiran doon ay saaran yihiin in ka badan 230 qof oo muhaajiriin Afrikaan ah, kuwaasi oo loo diiday in dalkaa ay galaan.

Doonidan ayaa halkaasi gaartay Khamiistii, waxaana weli ay tahay mid xanniban, iyadoo Malta u sheegtay inaanay awood u lahayn qaabilstooda.

Dhanka kale, dowladda Talyaaniga ayaa ka dalbatay Malta iney dadkaasi qaabisho, hase ahaatee Malta ayaa sheegtay in ay tahay dal xor ah oo go’aankiisa leh.

Talyaaniga Qudhiisa ayaan ogoleyn in loo geeyo muhaajiriintan maadaama horeyba uu dalkiisa ugu diiday 630 muhaajiriin ah oo ugu dambeyn Spain la geeyey.

Dowladaha Malta iyo Talyaaniga ayaa bilaabay iney iska diidaan dadka soo galootiga ah, xilli dalalkaasi ay marin u ahayd Muhaajiriintra Afrikaanka ah ee nolosha u raadsanaya qaaradda Yurub.

Goobjoog News