SONNA OO Deeq Lacageed Ka Heleysa Dalka Shiinaha

Sida ay qortay Xinhua, dalka Shiinaha ayaa Isniintii sheegay inuu deeq lacageed siin-doono wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA.
Lacagtan oo tiro ahaan lagu sheegay $22,600 , waxaa wax looga qaban-doonaa xafiiska ay wakaaladda ku leedahay Muqdisho.
Qin Jian, oo safiirka Shiinaha ee Soomaaliya ayaa sheegay in lacagtan loo adeegsan-doono qalabeynta xafiisyada wakaaladda.
Waxaa kale uu ammaanay sida ay qeyb uga qaadato hagaajinta xiriirka labada dale e Shiinaha iyo Soomaaliya.
Dhankiisa Cabdulahi Sheikh Cabdirahman, oo ah agaasimahha wakaaladda SONNA oo goobta ka hadlay ayaa shiinaha ku ammaanay taageerada isaga oo intaa raaciyay in loo adeegsan-doono qalabeynta xafiiska.
Sonna hadda uma shaqeyso sida saxda ah ee wakaalad, waxaa ay hoos tagtaa wasaaradda warfaafinta oo miisaaniyadda ka hesho sanadkii 4 Milyan oo Doolar, waxaa ay xafiis ku leedahay Muqdisho iyo meelo qaar oo wakiillo u joogaan, inta badan shaqadeeda waa Website iyo Twitter ku soo baxa afafka Soomaaliga, Ingiriiska iyo Carabiga.
Goobjoog News