U bood dhigaalka

Maalinta 2aad Iyo Ajendaha Shirka Brussels, Akhriso Magacyada Madaxda Hadleysa

Sheeko:Dalka

Brussels Waxaa maalintii 2aad ka soconaya shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, shirkan waxaa xoogga lagu saarayaa arrimaha siyasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Maanta waxaa lagu wadaa in shir guddoomiyeyaasha ka mid noqdo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaa loo dhaadhici-doonna isla xisaabtan inuu dhex maro Soomaliya iyo hey’adaha caalamiga ah sida: Qaramada Midoobey, midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Shirka, Xilliyada hore waxaa dhici-doona shir wasiirrada ah oo looga arrinsanayo haweenka, nabadda iyo amniga.

Waxaa kale dhici-doona waxaa loo yaqaano“Private public partnership” oo looga hadlo sida ay u wada shaqeyn lahaayeen dowladda iyo shirkadaha iyo hey’adaha gaarka ah.

Waxaa shirka sidoo kale ka hadli-doona madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo

Federica Maria Mogherini oo ah haweeney Talyaani ah taas oo wakiil iyo madaxweyne ku-xigeen ka ah midowga Yurub ee arrimaha dibadda iyo amniga.

Margot Elisabeth Wallström, waa haweeney kale, oo wasiirka arrimaha dibadda ka ah dalka Swden.

Rosemary Anne DiCarlo, waa haweeney 3aad, waxaa xogheyaha guud ee qaramada midoobey kala shaqeysaa arrimaha siyaasadda.

Smaїl Chergui, oo ah diblomaasi Aljeeriyaan ah oo ka socda midowga Afrika, nabadda iyo amniga.

Goobjoog News