U bood dhigaalka

Dhageyso: Garowe Oo Lagu Soo Bandhigey Dhallinyaro La Sheegay Iney Shacabka Dhici Jireen

Sheeko:Dalka

Guddiga amniga gobolka Nugaal oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Garoowe ayaa soo bandhigay in ka badan 20 dhallinyaro ah oo ku eedeysan falal dhaca Moobilada ah iyo amni xumo ay ka sameynayeen magaaladaasi.

Taliyaha saldhigga dhexe ee Garoowe, taliyaha qeybta Booliiska ee gobolka Nugaal iyo guddoomiyaha gobolka Nugaaal oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhallinyaradan sharciga la horgeyn doono.

Dhamme Maxamuud Muuse Bile, taliyaha saldhigga dhexe ee Garoowe ayaa sheegay in dhallinyaradan ay habeen iyo maalin wadeyn dhibaateynta dadka shacabka ah, wuxuuna tilmaamay iney hayaan 25 dhallinyaro ah oo dadka dhibayey.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay iney diyaar u yihiin soo afjarista burcadda dhaca taleefannada gacanta.

Taliyaha qeybta Booliiska Gobolka Nugaal Faarax Warsame Daad ayaa isna u digey waalidka carruurta lagu soo qabto falalka amni darri, wuxuuna sheegay inaan loo dulqaadan doonin in laga daba yimaado dhallinyaro lasoo qabto iyaga oo shacab dhibaya.

Ciidamada Puntland ayaa maalmihii ugu dambeeyey waday howlgallo ballaaran oo ay ku qabqabanayaan dhallinayaro la sheegay iney dhac ka geysanayeen magaaladaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News