U bood dhigaalka

Keating: Mustaqbalka Soomaaliya Waxaa Uu Ku Jiraa Gacanta Soomaalida

Sheeko:Dalka

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating oo maanta ka hadlayey madal ay soo qaban-qaabiyeen NUSOJ, loogana hadlayey sida warfaafinta uga qeyb-qaadan karo baahinta dowladda wanaagga ayaa sheegay in Soomaalida aaney cid kale wax ka sugin, amni, dhaqaale iyo wax kalaba, isaga oo intaasi raaciyay “Mustaqbalka Soomaaliya Waxaa Uu Ku Jiraa Gacanta Soomaalida”.

Michael Keating, waxaa ii sidoo kale aad u ammaanay qodobka 18aad ee dastuurka KMG ah oo ka hadalaya  Xorriyadda Ra’yiga iyo Afkaarta, qodobkaas oo ka hadlaya:

(1)        Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu yeesho, soo bandhigo ra’yigiisa iyo in uu doono, inuu helo oo gudbiyo ra’yigiisa, xog ama afkaar si kastaba.

(2)        Xorriyatu qoolka waxaa ka mid, xorriyadda hadalka, saxaafadda iyo wax walba oo soo gelaya warbaahinta elektaroonikada iyo internet-ka.

(3)        Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu muujiyo hal’abuurkiisa faneed. xorriyaddiisa aqooneed iyo xorriyadda cilmi-baarista.

Dhinaca kale, dadkii goobta ka hadlay waxaa ka mid ahaa Cabdiraxmaan Diinaari oo ah weriye hore iyo safiir isaga oo yiri” Waa Laga Soo Gudbay xiliyadii la dili jiray weriyeyaasha, UNkana waa inay dhaqaale ahaan taageeraan, oo weliba tababr siiyaan”.

“AMISOM  inta aan u baahanahay, weli ma nihin dowlad, waxaa in aan dib u dhisnaa dowladda’ sidaa waxaa yiri Prof Xasan oo isna ka tirsan bulshada rayidka.

Goobjoog News