Booliiska 14 Oktobar Oo La Wareegay Amniga Muqdisho
Sheeko:Dalka
Kulanka Khamiista ee golaha wasiirrada xukuumadda federaalka ah waxyaabaha la isku raacay waxaa ka mid ahaa in amniga caasimadda Muqdisho lagu wareejiyo ciidamada booliiska 14-ka Oktobar
Goloha wasiirrada ayaa faray taliyaha Booliiska Soomaaliyeed in uu hawl geliyo Guutada ciidanka Booliska 14-ka Oktoobar si ay uga qayb qaataan sugidda amniga, iyada oo sidoo kale golohu uu wasaaradda maaliyadda ku war-geliyay in ay bixiso mushaarka iyo xuquuqda guutada 14-ka October.
Ciidamadan ayaa badalaya kuwii xasilinta kuwaas oo muddo sanad ah sugayey amniga Muqdisho, lama oga jidka ka duwan kuu hore ee ay qaadi-doonaan qoladan cusub.
Goobjoog News