Maxay Tahay Hoos u dhaca Ku Yimid Lacagta Turkish Lira? Muxuuse Salka Ku Hayaa??

Maalintii jimcihii 10 Augost 2018, waxaa lagu calaamadeeyay in hoos u dhicii abid ugu sareeyay uu ku yimid lacagta loo yaqaan “Turkish lira” tan iyo khalkhalkii maaliyadeed ee 2001dii ka dhacay dalka turkiga.
Si lamid waxay soo taabatay qiimihii u hooseeyay 6.801 marka loo eego ku badalashada Dollarka, halka uu 5.54 ku soo xirmay suuqa kala iibsiga ee wall street dhamaadkii maalinkii ka horysay ee khamiista.
Hoos u dhacaan ayaa wuxuu sababay sicir barar baahsan oo ku yimid dhamaan badeecada laga isticmaalo dalka Turkiga oo uu ugu horeeyo gaaska dabiiga ah ee loo isticmaalo dhalinta korontada kaas oo si la yaab leh kor ugu kacay %50 asbuucii la soo dhaafay.
Khalkhalkaan dhaqaaale ayaa si toos ah loola xiriirinayaa isku dhac siyaasadeed oo u dhexeeya Turkiga iyo Maraykanka kaas oo ku saabsan xarigga dowlada Turkigu u gaystay baadariga wayn ee Andrew Brunson oo u dhashay dalka Maraykanka iyadoo lagu eedaynayo inuu qayb la ahaa inqilaabkii 2016dii ka dhacay dalka turkiga iyo dowalada Maraykanka oo ka madax adaygtay soo dhiibida Suufiga wayn ee Fethulahi gulen oo ku nool dalka maraykanaka kaas oo lagu eedaynayo inuu ahaa maskaxdii ka danabaysay inqilaabkaasi.
si la mid ah khakhalkaan maaliyadeed ayaa ah mid ay ka wada midaysan yihiin lacagaha dunida oo dhan taas oo hoos u dhac uu ku yimid tan iyo markii madaxwayne Trump uu xila qabtay kordhiyayna interest rateka dollarka, Balse samaaynta u badan wuxu ku yeeshay lacagta liirada kadib markii uu Trump xanibaad ku soo rogay viisaha Turkiga, isla markaana hoos u dhac ku riday lacagta liirada sababtayna in maalgashatadii caalamiga ahayd ay ka guuraan dalka turkiga lana baxaan lacagihii ay horay u maalgashten iyadoo dollar ah, kadibna falkaas wuxuu xaalada ku sii xumaysay lacagta liirada ah maadaama ay bankiyadii buux dhaafiyeen liira, halka dollarkii yaraaday. Taasna waa sababta dhabta ee keentay in doolarku qiimihiisu kor u koco liiraduna dhacdo.
Waxaana hubaal ah in daynta caalamiga ah ee Turkiga lagu leeyahay ay korortay.
Madaxwayne Trump ayaa si aan gambasho lahayn ugu daabacay bogiisa twitterka dagaalka dhaqaale ee ka dhanka ah dowlada turkiga isagoo yiri “ waxan ogolaaday in la siyaadiyo canshuur dhoofinta birta iyo almuniumka %20 iyo %50 ee lacagta Turkish lira, qiimaha lacagta liira aad buu hoos ugu sii dhacayaaa marka loo bar bardhigo lacateena xoooga wayn ee doolarka, mana fiicana waqtigaan la joogo xiririka naga dhexeeya dalka Turkiga”.
Halka madaxwayne RT Erdoğan uu ugu baaaqay dhamaaan muwaadininta Turkiga in qofkii lacag Dollar ah haysta uu bankiga geeyo kuna badasho Turkish liira.
İlaa hada qiimga lacagta Turkish liira waxay hoos u dhac samaysay %35 waxaana la filayaa inay ka sii darto maalmaha soo socda hadii aan laga jawaabin dalbaka Qab qable Trump oo ah in xoriyadiisa dib llogu soo celiyo baadari Brunson.
Dhinaca Turkiga waxaa walaac wayn abuuray hadalkii ka so yeeray Madaxwayn Erdoğan o ahaa “hadii ay Doolarlkooda leeyihiin anaguna waxaan leenahay Allah SW iyo dadkayaga” Taas oo dadka dhaqaalaha abla ableeya ay ku fasireen in dowlada Turkiga looga aysan wax badan ka qaban karin dagaalkaan dhaqaaale.
Madaxwayne islaamka ee Erdoğan alle ayuu talo saartay kumana khasaari doono annaguna garabkiisaan joognaa.
W/Q: Mohamud said kuku
International Finance Student
Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan.