Sacuudiga: Jamal Khashoggi Waxaa Uu Ku Dhintay Dagaal Ka Dhacay Qunsuliyadda

Xeer-ilaaliyaha Sacuudiga ayaa sheegay in baaritaannada hordhaca ah ay muujinayaan inuu Jamal Khashoggi ku dhintay dagaal ka dhacay qunsuliyadda dhex-dhexdeeda.
“Dooddii dhex martay muwaadinka Jamal Khashoggi iyo kooxdii joogtay qunsuliyadda, waxaa ka dhashay dagaal gacmaha la iskula tagay, taas oo keentay geeridiisa” ayuu raaciyey xeer-ilaaliyaha.
Jamal Khashoggi, ayaa markii ugu dambeysay ee la arko waxaa ay aheyd October 12, 2018, Sacuudiga wixii markii hore waa inkiray dilka, iyaga oo sheegay inuu qunsuliyadda lugahiisa uga baxay.
Jamal Khashoggi, waxaa uu qoraa ka tirsan Washington Post, waxaa uu sidoo kale horay u soo noqday madaxa iyo tifaftiraha guud Al-carabiya.
Dhinaca kale, boqorka Sacuudiga ayaa shaqadii ka diray ku-xigeenka sirdoonka dalkaasi Axmed Casiri, iyada oo guddi heer wasiir ah loo saaray sidii isbadal loogu sameyn lahaa wakaaladda.
Goobjoog News