U bood dhigaalka

Shacabka Ber-bera Oo Ka Cabanaya Koronto La’aan

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan magaalada Berbera ayaa sheegay in ay cabasho xooggan ka yihiin Koronto la’aan baahsan oo ka jirta magaaladaasi.

Waxa ay sheegeen in Koronta magaalada aysan isku haleyn wanaagsan lahayn oo xilliga ay doonto iska baxayso.

Qaar ka mid ah dadkan ayaa sheegay in iyadoo isbitaallada qaliinno ay ka socdaan ay korontadu baxdo, taasina ay dhibaato badan keento.

“Korontada waa ay iska baxdaa iyadoo xitaa isbitaallada ay qalliin ka socdaan, sidoo kale xilli lagu tashan karo malahan, sidaasi darteed waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha Somaliland in uu arrintaan wax ka qabto: sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah shacabka Bebera.

Goobjoog News