Maxamed Bin Salmaan Oo Codsaday La Kulanka Madaxweyne Erdogan

Diblomaasi sare oo Turki ah ayaa sheegay in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu codsaday la kulanka madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan inta uu socda shirka G 20 ee Buenos Aires.
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa jimcihii u sheegay CNN-Turk television in Turkiga aanu wax dhib ah u arkin kulanka labada mas’uul, isaga oo intaasi raaciyey in Erdogan uu gaari-doono go’aanka.
Shirkan G 8 oo 2 maalin socon-doona, waxaa lagu wadaa inuu dhaco Nov. 30, haddii ay kulmaan waxaa uu noqon-doonaa isaraggoodii ugu horeeyey kadib dilka Jamaal Khashoggi, kaas oo lagu dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul October 2, 2018.
C.I.A-da Mareykanka ayaa sheegtay in MBC uu ku lug lahaa dilka Jamaal Khashoggi, taasi oo saameyn ku yeelatay sumcadda Bin Salmaan iyo isbadalkii uu raadin jiray.
Goobjoog News