“Imaatinka Kooxda Melbourne Waxa Ay Inoo Tahay Guul Iyo Horomar Ku Aadan Ciyaaraha Jubaland”
Waxaa maagaalada Kismaayo kusoo wajahan kooxda Melbourne ee jaaliyada ciyaaraha dalka Ausralia oo sanadkii saddex wadanka u imaanysa ciyaaro saaxiibtinomo iyo is dhaxgal bulsho waana kolkii kowaad ay booqasho ku tagaan degnaanada Jubland waxayna arintan fursad u tahay bahda isboortiga iyo kooxaha ka dhisan Gobolka Jubada Hoose oo ay kasoo baxeyn ciyaartooy caan ah
Gudoomiyahay xiriirka kubbadda cagta Jubaland Axmed Faarax Taqal (Timijilic) ayaa sheegay booqashada kooxdan ka imaanysa Austarialia ay ugu fadhiso micno weyn sanadaha soo aadan ay la yeelandoonaan wada shaqeyn buuxda si loo horomariyo ciyaaraha uu gobolka ku xoogan yahay
Kooxda jubaland oo iminka si wanaagsan ugu diyaar garoobaysa ka qeyb galka ciyaaraha maamu-Goboeledyada iyo Gobolka Banaadir ahna horyaalka maamul Goboleedyada fasal ciyareedkii hore ayay kula ciyaaridoonaan magaalada Kismaayo waana ciyaar xiiso badan oo ay sugayaan shacabka reer Kismaayo
Ciyaartooyd matalaysa Jubaland ee loo diyaariyay in ay la ciyaarayaan dhigooda qurbaha ayaa booqashada kooxdan ku tilmaamay waji cusub oo ku aadan horomarka isboortiga deegaanadooda
Macalimiinta farsamada xiriirka kubbadda cagta oo aan la kulanay ayaa inoo sheegay booqashooyinka kooxaha qurbaha hadii ay sii socdaan sanadaha soo aadan ay gundhig u noqandoonaan horomarka iyo is badalka natiijooyinka xulka qaranka lagan faa’idaysandoono farsamo laaciibtiina imaanaya wadanka
Wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada,xiriirka kubbadda cagta iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada daa’daalo ku aadan in caasimada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka sanadaha soo aadan lagu qabto ciyaaraha Somali Week oo ay inta badan dhelaan kooxaha qurbajoogta hadii arinta hergashan dad badan ayaa aaminsan in laga faa’ididoono wax badan oo horomar u ah kobaca ciyaaraha gudaha
Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan