U bood dhigaalka

Dhageyso: Howlgallo Isbaaro Qaadis Ah Oo Ka Socda Duleedka B/weyne

Diseembar 19, 2018

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa weli waxa ay howlgallo ballaaran oo isbaarooyin lagu qaadayo ka wadaan deegaanno duleedka ka ah magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada waxa ay isku dhaceen maleeshiyaad ku sugnaa waddooyin soo gala magaaladaasi kuwaa oo dhibaato ku hayey shacabka ku safra halkaasi.

Wararka waxay sheegayaan in ciidamada ay ku wajahan yihiin waddooyin badan oo Isbaarooyin dhigtaan maleeshiyaadkan.

Shacabka magaalada B/weyne ayaa soo dhoweeyey arrintaan, gaar ahaan dadka ku safra waddooyinkan, iyadoo dhanka kale saraakiisha ammaanka ay sheegeen in howlgallada ay sii wada doonaan inta amniga wax laga bedalayo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News