U bood dhigaalka

Shaqsi Al-shabaab Ka Tirsanaa 10 Sano Oo Isku Dhiibay Jubbaland

Diseembar 24, 2018

Maamulka Jubbaland ayaa soo bandhigay Cali Xasan Cabdallah oo muddo 10 sano ah ay sheegeen inuu ka mid ahaa dagaalyahannada Al-shabaab.

Cali Xasan Cabdallahi waxa ayAl-shabaab u yaqaaneen Cali Muhaajir, waxaana uu ugu dambeyn go’aansadey inuu Jubbaland isku dhiibo.

Saraakiil u hadashay ciidanka Jubbaland ayaa sheegay iney soo dhoweeyeen Cali Xasan, iyaga oo sidoo kale ugu baaqay xubnaha kale ee Al-shabaab iney isku diibaan Jubbaland.

Cali ayaa isna dhankiisa sheegay in muddo kadib uu si iskiisa ah u go’aansaday inuu uga soo baxo Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News