U bood dhigaalka

Jubbaland Oo Duulaan Ku Ah Degmada Bu’aale (Dhageyso)

Jannaayo 9, 2019

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay duulaan ku yihiin degmada Bu’aale oo caasimadooda ah si ay halkaasi uga saaraan dagaalyahannada Al-shabaab.

Madaxweynaha maamulkan, Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa u sheegay warbaahinta isaga oo ku sugan degmada Afmadow iney soo gabagabeeyeen isku diyaarintooda howlgalladan.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in gobolka Jubbada Dhexe dhan ay doonayaan iney ka saaraan Al-shabaab islaamarkaana dhowr jiho ay ka weerari doonaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Shacabka ayuu ugu baaqay in kaalin ay ka qaataan sidii ay Al-shabaab uga saari lahaayeen guud ahaan deegaannada Jubbaland.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News