U bood dhigaalka

Akhriso: Labo Arrin Oo Looga Hadlayo Kulanka Maanta Ee Xildhibaannada Golaha Shacabka

Jannaayo 14, 2019

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay kulan ku leeyihiin xaruntooga magaalada Muqdisho.

Ajendaha maanta ee kulankan ayaa ah u codeynta wax ka bedalka sharciga hanti dhowraha guud ee qaranka iyo sidoo kale xeerka maamulka Bankiga dhexe ee dalka.

Kulankan maanta ayaa dib u dhacay Sabtidii aynu kasoo gudubnay kadib markii aanu buuxsamin kooramkii loo baahnaa.

Xildhibaannada golaha shacabka qaarkood ayaa sheegaya in kulanka maanta uu yahay mid aad u xasaasi ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News