Soomaaliya Oo Billado Dahab ah kasoo Hooysay Tartan Caalami ah
Ciyaartoyda Xulka qaranka Cayaaraha Fudud ayaa guul taariikhi ah kasoo hoyay tartan cayaaraha Fudud ee lagu qabtay dalka Djibouti, waxayna kala soo hoyden laba biladood oo dahab ah iyo kaalimo kale oo wanaagsan
Tartankan cayaaraha Fudud ee Djibouti International Meeting oo da’yarta iyo waa weyn u qaybsanaa waxaa Soomaaliya u tartamayay 5 cayaaryahan oo laba qayb ku kala tartamayay waxaana wafdiga cayaartoyda qaranka hogaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Olombikada qaranka Soomaaliyeed Mudane Cabdullaahi Axmed Tarabi oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Xiriirka cayaaraha Fudud, Khadiijo Aadan Daahir iyo Guddoomiye ku XigeenkaXiriirka cayaaraha Fudud Faarax Cali Macallin.
Cabdi Salaan Axmed Maxamed oo ku tartamay orodka 800mtr ayaa kaalinta koowaad ka galay kadib marki uu ku oraday 1:55 Ilbiriqsi waxaaa lagu abaalmariyay Biladda dahabka.
Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo orodka1500 mtr ee dhanka da’yarta u tartamayay ayaa kaalinta koowaad isna ku dhamaystay kadib markii ku orday 3:46 :78 waxuuna sidaaasi ku hantay Biladda dahabka.
Cabdirashiid Yuusuf oo dhanka da’yrta orodka 800 ku tartamayay ayaa isna kasoo galay kaalinta 6-aad ee tartanka.
Cabdicasiis Cabdullaahi Maxamed Orodka da’yarta 3,000mtr ka qayb galay ayaa bandhigiisa aad u wanaagsanaa waxuu soo galay kaalinta afaraard kadib markii uu ku orday 8:36. isgaoo ku dhawaad inuu biladda maarta hanto.
Cali Iidow Xasan oo qaybta ciyaartoyda waa weynka ku jiray ayaa kua dhamaystay kaalinta 7-aad ee tartanka qaybtiisa 1500mtr waxuuna ku orday 3:49 taasoo ahayd Saacad wanaagsan.
Dhammaan cayaartoyda ayaa marka laga soo tago guulaha iyo kaalmaha ay galeen waxay sameeyeen saacado wanaagsan.
Xulka qaranka cayaaraha Fudud ee guulaha keenay ayaa xero tababar oo gudaha dalka waxaa sanadki 2017 ugu diyaariyay Guddiga olombikada qaranka Soomaaliyeed halkaas oo ay tababar ku qaadanayeen muddo sanad ah , waxaana kadib loo wareejiyay dalalka Kenya iyo Ehtiopia si ay tababarro heerkoodu sareeyo u helaan taasoo sahashay guushan taariikhi ah
Source-nocsom.so