U bood dhigaalka

Waa Maxay Sababta Uu u Baaqday Kulankii Maanta Ee Golaha Shacabka?

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta lagu ballansanaa in xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay xaruntooda magaalada Muqdisho ku yeeshaan kulankoodii caadiga ahaa ee Kalfadhiga Shanaad.

Guddoonka golaha shacabka ayaa shaaciyey in kulankaasi uu baaqday sababo la xiriirta kooram la’aan sida lagu shaaciyey barta uu golahan ku leeyahay Facebook.

Go’aanka guddoonka ayaa ah mid la shaaciyey iyadoo aanay xildhibaannada isku imaan, islamarkaana la ogaan karin in kooramka buuxsami lahaa iyo in kale.

Waa kulankii Labaad oo ka baaqda xildhibaannada golaha shacabka iyadoo dalka uu ku jiro xaalad adag oo dhanka ammaanka ah.

Kulanka maanta waxaa looga hadli lahaa warbixin laga dhegeysan lahaa guddiga dib u eegista dastuurka, hadal jeedinta guddoomiyaha golaha shacabka iyo sidoo kale eegista qodobkii ay xildhibaannada qaar codsadeen in ajendaha lagu soo daro ee ah arrimaha amniga.

Goobjoog News