Muqtaar Cali Afgooye Oo Ku Biiray Kooxda Al Nasar
Kooxda haysta koobka dalka Sacuudiga ee Al Nasar ayaa dhamaadka bisha August 2019 lasoo saxiixatay Muqtaar Cali Sheekh Cabdullahi (Muqtaar Afhooye),isagoo u saxiixay qandaraas uu kula joogayo mudo saddex sano ah xidigan ayaa kusoo baxay naadiga Chelsea,isagoo kula guulaystay koobab badan.
Cali Sheekh Cabdullahi (Cali Afgooye) oo ah aabaha dhalay ciyaaryahan Muqtar ayaa sheegay in ay qoys ahaan ay aad ugu faraxsanyihiin heshiiska uu wiilkooda ugu biiray kooxda Al Nasar oo ah naadiga difaacanaysa horyaalka wadanka Sacuudiga wuxuuna intaa ku daray in ay garb taaganyihiin wiilkooda.
“Waan ku faraxsanahay kusoo biiritaanka kooxda Al Nasar waxaa la ii soo dhaweeyay si wanaagsan waxayna ka qeyb qaadanaysaa horomarka waxaan jeclahay inta aan la joogo in aan kula guulaysto koobab badan ” ayuu laacib Muqtaar Cali Afgooye saxaaafada u sheegay markii uu ku biiray kooxda reer Sacuudi.
2016 ilaa 2018 Ciyaaryahan Muqtaar Cali waxa uu ka tirsanaa naadiga Vitesse ee wadanka Holland,Muqtaar inta uu joogay Holland waxa uu kooxdiisa u dhaliyay goolal badan,isagoo mudo dheer ka dib kula guulaystay koobk qadiimi ka ah wadanka Holland
“Heshiiska uu Muqtaar la gaarayo Al Nasar waxa ay kor u qaadaysa horomarinta xirfadiisa ciyaareed waxaana kawada sugaynaa in uu waqti wanaagsan la qaato kooxdiisa cusub” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Cali Sheekh Cabdullahi oo ah aabaha dhalay xirfadyahan Muqtaar Afgooye.
Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Ciyaaryahan Muqtaar Iyo Ku Biiritaankiisa Kooxda Al Nasar