Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Oo Soo Gaaray Muqdisho
![](https://goobjoog.com/content/uploads/2019/10/Mursal3-300x225.jpg)
Guddoomiyaha baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa saakay soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaraha Aadan Cadde.
Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kusoo dhoweeyey Garoonka Aadan Cadde.
Guddoomiye Mursal iyo dhiggiisa dalka Jabuuti ayaa lagu wadaa iney u ambabaxaan magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, isla maantaba.
Waxay magaaladaasi uga qeybgali doonaan furitaanka Kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka Koonfur Galbeed, iyadoo ammaanka magaaladaasina aad loo adkeeyey.
Madaxda maamulka K/galbeed iyo dadweyne aad u badan ayaa ku sugan garoonka Baydhabo si ay usoo dhoweeyaan madaxda halkaasi ku wajahan.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News