Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Maanta Ee Golaha Shacabka?
Sheeko:Baarlamaanka
![](https://goobjoog.com/content/uploads/2019/12/Golaha-shacabka-sax-ah.jpg)
Maanta oo ah Arbaca ah, 25 December 2019, waxaa jira kulanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Ajendaha Kulanka ayaa ah u codeynta Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda iyo sidoo kale u codeynta Hindise Sharciyeedka Shirkadaha.
Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sharciyadan horay uga soo dooday wuxuuna maanta qorshuhu yahay inay meel mariyaaan.