U bood dhigaalka

Xildhibaan Beenebeene oo Sharaxay Baahida Sharciga Shirkadaha

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiyaha guddiga ganacsiga, warshadaha iyo horumarinta dhaqaalaha dalka ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-Beebe ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la helo shaciga shirkada.

Xildhibaanka oo maanta ka hor hadlayey golaha shacabka golaha uu fadhiyey ansixinta sharciga shirkada dalka ayaa yiri” Mudane guddoomiye sharciga nidaaminta shirkadaha waa baahi taagneyd tan iyo intii Jamhuuriyaddu jirsatay, dalkuna mayeelan sharci u gaar ah oo shirkadaha nidaaminaayo balse waxaa jira xeerar iyo nidaamyo midba dhinac ka quseeyo ganacsiga”

Sidoo kale Xildhibaan Beenebeene oo hadalkiisa siiwato ayaa xusay in ay jirto baahi weyn oo loo qabo helitaanka sharci nidaamiya shirkadaha dalka, waxaa uuna ku soo kordhiya hormarka dhaqaale ee dalka waxaana uu yiri” Baahi weyn ayaa loo qabay helitaanka sharci shirkadaha ganacsiga nidaamiya oo waxay ku soo kordhiya hormar dhaqaalaha daka waxaana soo gudbiyey wasaaradda ganacsiga oo maanta halkaan nala joogta”.

Dhanka kale Xildhibaan Maxamud ayaa tilmaayey In guddigu dhageysi badan kala sameeyey bulshada qeybaheeda kala duwan iyo rugta ganacsiga Soomaaliya waxaana uu yiri ” Guddigu waxaa uu dhageysi badan kala sameeyey bulshada qeybaheeda kala duwan oo sharciga saameynta tooska ah uu ku lahaa sida rukta ganacsiga, sharcigaan waxaa golaha sharciga uu cod aqlabiyad leh oo 142 mudane ah May 12-kii 2018-ka.

Ugu danbeyn guddoomiyaha guddiga Guddoomiyaha guddiga ganacsiga, warshahadaha iyo horumarinta dhaqaalaha ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-Beebe ayaa ayaa golaha shacabka ka codsaday in sharcigaan ay meel mariyaan waxaana hadalkiisii ka mid ahaa” Aniga oo ku hadlaayo magaca guddiga dhaqaalaha iyo ganacsiga waxaan golaha sharafta leh ka codsanayaa in ay noogu codeeyaan sharcigaan shirkadaha si aan madaxweynaha Jamhuuriyadda aan ugu gudbino uuna u saxiixo oo uu sharci dalka ka dhaan gala u noqdo”

Goobjoog News