Galmudug: Dowladda Federaalka oo Saddex Maalin Ku Dartay Waqtiga Doorashada
![](https://goobjoog.com/content/uploads/2020/01/mud.png)
Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku –xigeenkiisa ee dowlad gobaleedka Galmudug, ayaa maanta ku dhawaaqay in muddo saddex maalin ah dib loo dhigay doorashada.
Guddiga ayaa ku micneeyey dib u dhigista doorashada sidii musharaxiinta doonaya in ay ka qeyb galaan ay soo dhameystaan is u diiwaan geliyaan iyo shuruudaha la xariirara doorashada.
Doorashada dowlad gobaleedka Galmudug ee Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ayaa lagu waday in ay dhacdo malinimada barito oo Kjhamiis kuna began 30/1/2020-ka , waxaana guddigu uu sheegay in doorashada dhici doonto maalinimada Axada ah ee soo aadan 2/2/2020-ka.
Galmudug ayaa waxaa ka jira xaalado maamul iyo madaxweynayaal isdiidan ayadoo maanta Madaxweyne garabka Ahlunna ay u doorteen Sheekh Maxamed Shaarik, lana filaayo Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu magaalada Gaalkacyo ku soo dhiso maamul kale.
Goobjoog News