U bood dhigaalka

Akhriso: Nuxurka Khudbadihii Furitaanka Kalfadhiga 7-aad Ee BFS

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay kalafadhigii 7-aad ee labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Kulanka oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa, oo maanta uu kulanka ka qabsoomay ayaa yimid markii amni darro loo tagi waayey iskuulka booliiska.

Waxaa furitaanka kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka goobjoog ahaa madaxda ugu sareysa dalka sida madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, guddoonka labada gole iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir waxaana la ay jeediyeen Khudbadooda dastuuriga ah ee furitaanka kalafadhiga 7-aad oo maanta ahaa kuwii ugu dambeysay.

Guddoomiyaha golaha Aqalka sare ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalioya Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo ka hor hadlay labada gole ayaa soo hadal qaaday arrimo dhowr ah isaga oo si aad ugu dheeraaday saameynta cudurka safmarka ah ee COVID-19 uu ku yeeshay habsami u socodka shaqadii labada gole ee Baarlamaanka waxaana uu intaas ku daray in Baarlamaanka kalafadhigii 6-aad ay wax badan u soo qabsoomeen.

“ Sida uu yahay dhaqanka Baarlamaanka waxaa ah inuu warbixin idiinka siiyo howlihii u qabsoomay kala fadhigii lixaad, iyadoo dalka uu galaayo marxalad loo baahan yahay in si dhow ay u wada shaqeeyaan hey’adaha dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliyeed oo idil si loo fuliyo ballanqaadkii aan qaadnay sanadkii 2016kii dhammaadkiisii markii la dhisaayey Baarlamaanka 10-aad ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ”. Ayuu yiri goddoomiyaha aqalka sare Sanotor Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa siiwato ayaa yiri” Mudane madaxweyne mudanayaal iyo marwooyin caabuqa safmarka ah ee lamagac baxay COVID-19 waxaa uu caalamka oo dhan geliyey xaalado uusan marnaba aadmigu uusan ka fekerin iney dhici karaan waxaan uu mar qura kalifay in noloshii caadiga aheyd ay istaagto isaga oo dunida ku keenay dhibaatooyin isugu jira kuwa caafimaad, dhaqaale iyo bulshaba, gaar ahaan dalkeena Soomaaliya waxaa uu noqday mid aad ugu nugul dhibaatada uu keenay xanuunka COVID -19 maadaama aan nahay dal dagaallo sokeeye ka soo kabanayo oo ku jira dowlad dhisid” ayuu yiri hadalkiisa ku soo koobay goddoomiye Cabdi Xaashi.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo jeediyey khudbaddiisa furitaanka ayaa guul weyn ku tilmaamay uu gaaray Baarlamaanka 10-aad ansixinta sharciga doorashooyinka qaranka isaga oo tilmaamay in weli ay harsan yihiin arrimo saldhig u ah oo loo baahan yahay inuu sharcigu qeexo , waxaana sidoo kale uu ka hadalay halka uu marayo arrimo ku aadan Dastuurka.

“Mudane Madaxweyne ansixinta sharciga doorashooyinka ee kalafadhigii 6-aad ee Baarlamanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya waa guul weyn hase ahaatee waxaa dhiman arrimo saldhig ah oo ay tahay inuu sharcigu qeexo, labada goddoon iyo labada aqal ee Baarlamaanka waxaa ay 1March 2020-ka magcaabeen guddi wadajir ah oo kumeel gaar ah ee dhameystirka sharciga doorashooyinka qaranka oo ka kooban 17 xildhibaan ee ka tirsan xubnaha labada gole ee baarlamaanka waajiaadka shaqo ee guddiga waxaa ka mid ah in ay la tashadaan cid weliba oo sharciga tayeyntiisa looga maarmin sida guddiga madaxbannaan ee doorashooyinka wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib-u heshiisiinta iyo federaalka, dowladda goboleedyada dalka hey’adaha amniga xisbiyada siyaasadda iyo dhammaan ururada bulshada rayidka aha.” ayuu yiri Maxamed Mursal Sheekh goddoomiyaha golaha shacabka.

Guddoomiyaha hadalkiisa siiwata ayaa yiri” Geedi socodka dhameystirka Dastuurka wuxuu calaamad weyn u yahay dib u dhiska dowladnimadeenna Soomaaliya uuna noqon doono guul weyn uu dalku gaaray nasiin doono taariikh weyn, hadaba waxaan xildhibaannada sharafta leh ka codsaneynaa inaan dhammaan si adag kalafaddhigaan uga wada shaqeyno sidaan himiladaas uga guul gaari laheyn, guddiga la socodka dastuurka waxaa uu soo gudbiyey qabyo qoraal wax ka badalka dhammaan cutubyada Dastuurka ku-meel gaarka Soomaaliya, qabyo qoraalka dastuurka ayaa waxaa la soo bandhigay lagana tashtay shacbka dowlad goboleedyada Galmudug Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed iyadoo guddiyadu ay ka soo uruuriyeen talooyin wax ku ool ah, guddiga la socodka madaxbannaan ee Dastuurka waxaan rajeynaynaa in ay soo dhammeystiraan latashiga dhacabka iyo dowlad goboleedyada, haddaba mudanayaal waxaa golaha horyaalla qaraar ku saabsan habraaca ansixinta dastuurka oo oo uu soo gudbiyey guddiga la socodka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya” ayuu guddoomiye Maxamed Mursal.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo furay kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay dhowr arrimood ay ugu weyn tahay doorashooyinka dalka isaga oo sheegay in la gaaray waqigii shacabka u dhaqaaqi lahaa in ay soo doortaan qofka ay doonayaan, isaga oo sidoo kale soo hadal qaaday arrimo ku aadan wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland oo mudoo hakad ku jiray.

“Waxaan haatan u fadhinaa in aan shacabkeenna ugu bishaarayno in uu dhammaaday xilligii dhiillada colaadaha iyo dhiigga lagu raadin jirey kuraasta oo aan u gudubnay xilli muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu si xor ah u dhiiban karo codkiisa si uu u doorto madaxda uu doonaayo, waxaan shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmayaa in ay u soo baxaan doorashada, si xor ahna ugu codeeyaan xisbiga ay doonayaan si ay uga gudbaan cudurrada dilaaga ah ee kala ah qabyaaladda, saboolnimada iyo argagixisada, Dhallinyarada Soomaaliyeed waa udub dhexaadka nabad galyada iyo hormarka iftiimaya ee ummadda Soomaaliyeed ay maanta ku naalooneyso, ma tihiin madaxdii barri ee waxaad tihiin madaxda maanta, ayuu ka yiri Madaxweyne Madaxweynahe Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Madaxweynaha oo sii hadlayo ayaa yiri ” Maanta waxaan labada aqal ujeedinayaa codsi Madaxweyne, oo aan rajaynayo inaad iga aqbashaan, igu taageertaan, iguna sharaftaan. Si aan u muujinno tixgalinta iyo qaddarinta aan u hayno caasimadeena Muqdisho ee aan wada jecelnahay, fadlan, igu raaca in aqalka sare ay caasimada Muqdisho ku yeelato matalaadda ay mudantahay, ayna muraayad ugu wada noqoto dhamaan shacabka soomaaliyeed, dadka Soomaaliyeed waa dad walaalo ah, oo aan kala maarmin, waana soo dhawaynayaa hadalkii walaalkay Muuse Biixi Cabdi uu ku aqbalay in aan dib u bilowno wadahadalladii, wax kasta oo jirana ku dhammeyno walaalnimo” ayuu yiri.

Goobjoog News