U bood dhigaalka

Xisbiyada Somaliland oo Ku Kala Aragti Duwan Shirka Jabuuti Ka Furmaya

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa goor dhawayd xafiiskiisa kula shiray madaxda labada xisbi qaran ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysay Cali Waraabe.

Madaxweynaha ayaa labada guddoomiye  kala xaajooday  qorshaha wadahadallada labada dhinac Soomaaliya Somaliland uga furmi doona maalinta berrito ah dalka Jabuuti.

Xisbiga Waddani ayaa soo dhaweeyay go’aanka madaxweynaha ee ah ka qayb galka shirkaas, waxaanu xisbigu sheegay in ay Madaxweynaha u daba fadhiyaan hawlaha wadahadallada” Waxaanu u aragnaa wax kasta oo danta qaranka Somaliland lagu raadinayo iyo gole kasta oo danta qarana Somaliland laga raadinayo in laga qayb galo. Maandhaytkaa waxaa iska leh xukuumada marba markaa joogta, iyadaana laga rabaa hawshaa iyada ah cidii ay kala maarmi weydo ay u yeedhato oo ay waydiiso wixii talo ah ee ay waydiinayso iyada oo ilaalinaysa xeerarka iyo qawaaniinta dalka u yaal” ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka koobaad ee xisbiga Waddani, Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo BBC-da la hadlay.

Dhanka kale, guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa isagu ku dooday in aan arrimaha culayskaa leh aanu Madaxweynuhu keligii go’aankooda lahayn oo ay lagama maarmaan tahay in ay ka qayb galaan” Dawladda Soomaaliya ee maanta lala kulmayaana aanay ahayn dawlad mutaysatay in lala kulmo ayaan u arkaa, markaa guud ahaan kama soo horjeedno in Somaliland iyo Soomaaliya wada hadlaan hase ahaatee dawladda hadda joogta ood ogtahay dhibaatooyinka ay la raadiyeen Somaliland iyo heshiisyadii ay ka baxeen, iyo kii u dambeeyey ee ninkaa arimaha dibada u qaabilsan wixii uu ku hadlayey in la horfadhiistaa waxaan u aragnaa in ay tahay guul darro ku timi Somaliland. ayuu yiri guddoomiywe Faysal Cali Waraabe xili uu la hadlayey BBC-da.

Hadallada aka soo yeeray guddoomyayaasha mucaaradka Somalilanda ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo la filaayo in maalinta barito shir labada shinac ah lagu wado inuu ka furmo wadanka Jabuuti.

Goobjoog News