U bood dhigaalka

Guddoomiye Abshir Axmed oo Ballanqaaday In aan Dib Loo Noqon-doonin

Sheeko:Baarlamaanka

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha aqalka sare Abshir Maxamed Axmed oo xalay ka hadlay xafladda daahfurka mashruuca lagu dhisayo dekadda Hobyo ayaa ballanqaaday ka siyaasi ah inuu ka shaqeynayo in aan dib loo noqon.

Guddoomiyaha oo arrinkaas ka hadlaya waxaa uu yiri” Qof weliba waxaa uu sameeyey ballan qaad, qole waxaa ay balanqaadeen lacag, qole waxaa ay balanqaadeen duco iyo taageero. Annigu waxaan rabaa inaan halkaan ka ballanqaado, wixii ugu muhiimsanaa oo ka maqnaa, aniga oo ku hadlaayo magaca siyaasiyiinta halkaan fadhisa oo dhan, taasna waxaa ay tahay ( Good politics) siyaasad wanaag, siyaasaddii ayaan ballanqaadayaa, inaan dib loo noqonaynin, oday dhaqameed iyo siyaasi hore  oo hadlay in aan gadaal loo noqon. waxaan rabaa inaan ku dhiirado gadaal inaan loo noqonaynin ballan qaadkaan waa ka culus yahay 40 milyan iyo 50 milyon” .

Dhanka kale, waxaa guddoomiye Abshir bogaadiyey maamulka Qooqoor”Waxaan ku bogaadinayaa madaxweynahay Galmudug in uu soo abuuray, dowalad lagu faani karo, oo Galmudg qiimaheedii sare u qaaday, oo aad qaali uga dhigtay, xukuumaddaas madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye uu soo dhisay, laakiin ilaa iyo hadda waxqabad weyn oo aad iyo aad u ballaaran aan weli  waqti badan, waxaad ogaataan inaad qiimihii Galmudug aad sare u qaadeen, waxaa la rabaa in aad arrintaas aad ka dhabeysaa. Waxaan rabaa inaan si gooni ah ugu mahad celiyo markale dadaallada nabadeynta mideynta xagga siyaasadda, dhulka iyo deegaanka in taba uu wado madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye( Qoor Qoor).

Goddomiye Abshir Axmed waxaa uu soo hadlay qaaday mas’uuliyadaha labada heer dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada” Federaalku waa heer dowladeed, oo laba dhul ay isla maamulaan labo heer dowladeed, labadaas waxaa ay kala yihiin, dowaldda dhexe oo federaalka loo yaqaan iyo dowlad goboleedka oo State-ka loo yaqaanno, magacyo kalena waa ay leedahaym xukunka dowaladda dhexe waxaa lagu magacaabaa, xukun wadaag ah, waa “shared rule”, xukunka dowlad goboleedka yallana waa “self rule”, waa midka barakadiisa iyo kheyrkiisa iyo fursadaas lagu helay in halkaan la joogo, haddii kale center-ka  ayaa waxaa laga sugi lahaa in ay ka hadlaan arrimaha dhismaha dekadda, awoodda guud waxaa iska leh dowladda dhexe. waxaana rabaa inaan halkan ka cadeeyo in federaalku yahay arrin bogaadin mudan” .

Xafladdan waxaa sidoo kale joogay mas’uuliyiinka ka socotay labada heer, dowladda federaalka ah iyo dowladda dhexe iyada oo lagu balanqaaday 90 mliyan oo doolar.

Goobjoog News