U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya Oo La Wareegtay Hoggaaminta Madasha Wasiirrada Waxbarashada, Hiddaha Iyo Dhaqanka Dalalka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegtay hoggaaminta Madasha Wasiirrada Waxbarashada, Hiddaha iyo Dhaqanka dalalka Carabta oo ay ugu danbaysay guddoominteeda 37 sano ka hor.

Wasiiru Dowlaha ahna Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Dhaqanka & Tacliinta Saree e Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirixmaan Maxamuud Cabdulle oo guddoomiyey Madasha 25-aad ee Wasiirrada Waxbarashada Carabta ee ku mideysan Ururka (ALECSO) ayaa tilmaamay qiimaha shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay u leedahay in ay guddoomiyaan madashan mar kale, kaddiib Meeratadii Todobaad oo Soomaaliya ay guddoomisay Sanadkii 1983dii.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada 

Goobjoog News