U bood dhigaalka

Dowlad Goboleedyada Qaar oo Magacaabay Guddi Ku Matala Wada Hadallada Doorashada Ee Kala Dhaxeya Dowladda Federaalka ah

Sheeko:Baarlamaanka

Maamul goboleedyada qaar ayaa magacaabay guddiyo u matali-doona shirka looga hadlayo doorashada ee kala dhaxeeya dowladda federaalka ah.

Guddiyadan oo lagu heshiiyey Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa iney shaqeeyaan, oo weliba ay dhameystiraan hawlahdooda ka hor 15 August 2020-ka.

Madaxda dowlad goboleedyada Puntland,  Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa soo magacaabay guddiyadii laga sugaayey, kuwaas oo ka kooban lix xubnood, waxaana dowlad goboleed weliba ka yimid labo xubnood oo ku matalaayo maamul weliba shirka guddiyada.

Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ,ayaa lagu magacaabay labada xubnood oo kala  ah.

1- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda maamulka Puntland  Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

2- Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Cabdiweli Cali Cabdulle, kuwaas oo Puntland matali doono.

Sidoo kale madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbland Axmed Maxamed Islaam Madobe ayaa magacaabay labad Axubnood oo maamulkaas ku matalidoona, shirka guddiga  ka kala socda maamul goboleedyada iyo dowaldda dhexe

1- Xirsi Jaamac Gaanni , Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada.

2- Xamze Cabdi Barre , Gudoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland.

Dhinaca kale madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dhankiisa waxaa uu soo magacaabay labadii xubnood ee maamulkaas ku matali doono  guddiga isku dhafka ah, ee soo diyaarinayo hanaanka doorasho ee dalka.

1-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Mudane Maxamed Cali Caadle.

2-Madaxa Xafiiska Amniga Maamulka Hirshabelle Abdul Mohamed Farah Makaran.

Dowladda federaalka iyo Maamullada Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa weli soo gudbin afarta xubnood ee labadaas maamul , ku matalaayo shirka guddiga farsamo ee iska dhafka ah ee ka socda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedya , ka hor inta aan lagu soo laaban magaalada Dhuusamareeb baratamaha bisho soo aadan.

Goobjoog News