U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay oo Soomaaliya Ka Taageeraysa Arrimo Quseeyo Doorashooyinka

Sheeko:Baarlamaanka

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in Soomaaliya ay ka caawin doonto arrimo dhowr ah kuwaas oo la xiriira arrimaha doorashooyinka soo socda oo dalka uu galayo dabayaaqada sanadkaan 2020-2021-ka.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Jemes Swan oo kulan gaar ah la qaatay taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed General Cabdi Xasan Xijaar ayaa looga hadlay arrimo quseeyo doorashooyinka.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa aad loo falanqeeyey sidii saaxiibada Soomaaliya ay taageero dhan ammaanka u siin lahaayeen dowladda waqtiga lagu jiro doorashooyinka, oo inta badan daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya ay dhaqaalo badan ku bixiyaan.

Qaramada Midoobay ayaa dowladnimada Soomaaliya waxaa ay ku bixisaa dhaqaalo badan oo dhanka amniga ah, sida ciidama AMISOM oo mushaarkooda ay bixiso  waxaana sidoo kale ay bixiyaan qarashaadka xiligi doorashooyinka dalka.

Goobjoog News