U bood dhigaalka

Xildhibaannada Baarlaamaanka oo Maanta U Codeynaya Heshiiskii Villa Somalia iyo Dowlad Goboleedyada

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku leh Muqdisho, waxaana lagu wadaa in la horgeeyo heshiiskii doorasho ay wada gaareen Villa Somalia iyo madaxda maamul goboleedyada.

Xildhibaannada ayaa lagu wadaa iney ansixiyaan heshiiskii jiheynta doorasho ee dalku aadayo 2020-2021-ka, kaas oo dhameystir u ahaa heshiisyadii Dhuusamareeb 1, 2, iyo 3.

Cod u qaadidda heshiiskaan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo dhowaan Baarlaamnku meel mariyey oo codka kalsoonida uu siiyey Ra’iisalwasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo laga sugaayo in sida ugu dhaqsiyaha badan uu soo dhiso xukuumaddii ka shaqeyn laheyd doorashooyinka qaranka.

Goobjoog News