U bood dhigaalka

Maxaa Ka Socda Golaha Shacabka?

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaaka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay kulan ku leeyihiin xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka ayaa waxaa uu yahay in golaha ay akhrinta 3-aad ay marsiiyaan Hindide-sharciyeedka Beeeraha Soomaaliya, kaas oo horay u soo maray akhrinta 1-aad iyo 2aad.

Golaha shacabka ayaa waxaa u furan kal-fadhigii ugu dambeeyey mudo xileedkiisa, waxaana horyaallo, sharciyo uu ka mid yahay dib –u eegista iyo meel marinta dastuurka dalka.

Goobjoog News