Gobolka Banaadir Iyo Galmudug Oo Barbaro Ku Kala Tagay
Sheeko:Wararka Cayaaraha

Kooxaha Gobolka Banaadir iyo Galmudug ayaa daah furay tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,waaxaana qeybta kowaad lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku hayeen xidigaha Galmudug,waxaana u dhaliyay laacib Fu’aad Cabdirashiid Dable oo (No.7) u qaata.
Markii leysku soo laabtay labada dhinac ayaa iska dhaliyay min labo gool,wuxuunka kulanka ku soo dhamaaday barbaro 2-2,iyadoo garoonka si weyn ay u soo buux dhaafiyeen taaagerayaasha labada dhinac.
Garsooraha Kulanka waxa uu ahaa Xasan Maxamed Xaaji,Calanhayaha kowaad waxa uu ahaa Xamse Xaaji Cabdi,halka garsooraha labaad uu ahaa Nuur Cabdi Maxamed.

Daawo Warbixin Ku Saabsan Furitaanka Tartanka Maamul Goboleedyada